Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in maanta ay agab ciidan ay ka guddomeen Dowladda Masar kaa oo kor loogu qaadayo tayada ciidanka Soomaaliyeed.
Wasiir Xagaa, ayaa kusoo dhoweeyay Muqdisho Wafdi uu hoggaaminayay Axmed Cali Towfiiq Ibraahim Lutfi, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Masar, waxaana wehelinayay Baasin Jamaal Maxamed, oo ah u qeybsanaha iskaashiga dowliga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Masar.
Agabkan ciidan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo kartida iyo tayada ciidanka amniga, si gaar ah kuwa la dagaalama argagixisada kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Garoonka ayna Mas’uuliyiinta Masaarida ugu wareejiyeen dhinaca Dowladda Soomaaliya.
Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar, Axmed Cali Towfiiq, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay, isagoo xusay in booqashadoodu qeyb ka tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga amni ee labada dal.
Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa, ayaa tilmaamay in talaabadan ay caddeyneyso xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, wuxuuna ku bogaadiyay Dowladda Masar doorka ay ka qaadaneyso amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.