Heemaal News Network

Dowladda Oo Dedaal ku Bixineysa Badbaadinta Dhallinyaro Dil Ugu Xukuman Sacuudiga

Dowladda Soomaaliya oo dadaal ugu jirta sidii ay u heli lahaayeen caddaalad dhallinyaradda Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Sucuudiga, kuwaa oo qaarkood lagu riday xukunno dil ah.

Masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, ayaa xiriiro iyo daddaalo kala duwan la sameeyay masuuliyiin katirsan Boqortooyada Sacuudiga , waxa ayna kala hadleen xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed ee xir xiran.

Wasiirka Caddaaladda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin, ayaa sheegay in ay kulan la qaateen safiirka Sucuudiga u fadhiya Muqdisho kana wada hadleen sidii dadka Soomaaliyeed ee ku xiran Sucuudigu u heli lahaayeen caddaallad.

“Waxaan dowladda Sacuudiga kala hadalnay joojinta fulinta xukunno dil ah oo lagu riday dhallinyaro Soomaaliyeed, waxaana wadnaa dedaalo dhallinyaradaasi lagu badbaadinayo ” ayuu yiri wasiir Xasan.

Dhinaca kale wasiirka ayaa sheegay in dhawaan labada dal kala saxeexan doonaan heshiis ku saabsan garsoorka iyo arrimaha maxaabiista,dowladdaha Soomaaliya iyo Sucuudiga ayaa leh xiriir saaxiibtinimo oo qota-dheer.