Waxaa maanta oo Isniin ah Magaalada Nairobi ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hey’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo diiradda lagu saarayo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa maalgalin ku saabsan horumarinta ilaha wax soo saarka Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige ayaa hoggaaminaya xubnaha kala duwan ee shirkaan uga ka qeyb galaya Soomaaliya waxaana ay iskugu jiraan Xafiisyada Madaxeynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha kala ah Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Batroolka, Bangiga Dhexe, Hey’adda Warbixinada Maaliyadda, Hay’adda Istaatistikada Qaranka iyo Xafiiiska Xisaabiyaha Guud.
Waxaa la filayaa in Shirkan uu socon doona muddo 4 maalmood ah, intiisa badan waxaa lagu gorfayn doonaa, wixii u qabsoomay Dowladda Soomaaliya tan iyo markii lagu dhawaaqay deyn cafintii, sidoo kale waxa uu noqonayo qorshaha ku aadan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya gaarsiin kara isku filnaan dhaqaale.
Wasiir Biixi Imaan Cige oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa faah-faahin buuxda ka bixiyay dadaalka Dowladda ee ku aadan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay hadda ku socdaan hannaankii saxda ahaa ee lagu gaari lahaa horumar maaliyadeed.
Wasiirka waxa uu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hufnaanta iyo horumarinta Maaliyadda, isagoo u mahadceliyay Sanduuqa IMF iyo Bangiga Adduunka oo si wanaagsan u la shaqeeya Hey’addaha Maaliyada Soomaaliya iyo taageerada farsamo iyo mid Maaaliyeedba ay ku taageeraan Dowladda Federaalka Soomaaliya.