Heemaal News Network

Dowladda Somaliya Oo la Wadaagtey Masar Natiijada Wad-hadalladii Turkiga Ee Itoobiya la Gashay.

Dowladda Soomaaliya ayaa la wadaagtey Masar, natiijada wad-hadalladii saddex geesoodka ee Turkiga, Soomaaliya iyo Itoobiya, sida ay sheegtey Wasaaradda Arrimaha-dibedda Masar.

Wasiirka Arrimaha-dibedda Soomaaliya, Axmed Fiqi iyo dhiggiisa Masaarida, Badar Abdelatty ayaa sidoo kale ka wada-hadlay u diyaar-garowga Madasha Masar, Soomaaliya iyo Eriteriya oo mar kale la qabanayo.