Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS , ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ku bogaadisay hannaanka dimoqoraadiga iyo amnigaba leh ee shacabka gobolada Waqooyi ee Soomaliland ku doorteen hoggaanka maamulka iyo xisbiyada.
Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya , ayaa lagu sheegay in qaabka ay u qabsoomeen doorashooyinka maamulka Somaliland ay ka muuqdeen waayo-aragnimo , isku duqaad iyo biseyl siyaasadeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay baahinta dimuquraadiyada dalka iyo awoodsiinta shacabka , si shacabka Soomaaliyeed u galaan doorasho qof iyo cod ah , oo dowladda sheegtay in horseedeyso horumar iyo barwaaqo.