Heemaal News Network

Dowladda Suudaan Oo Caawa Sheegtay in Dagaalka RSF ay kusoo Biireen Ciidanka Liibiya

Dowladda Suudaan ayaa caawa shaaca ka qaaday in dagaalka ay kula jirto RSF ay ku soo biireen Ciidanka Liibiya ee uu hogaamiyo Khaliifa Haftar.

Ciidanka Generalka caanka ku ah dhiiga ku daadanaya Liibiya in ay garab siiyaan kooxda RSF waxa ay dhibaato ku noqon doontaa dadaalada dowladda Suudaan kula wareegayso amniga dalka.

Suudaan oo qoraalkeeda ku sheegtay in ay iska difaaci doonto gardaro kaste oo dhulkeeda lagu soo qaado, iyadoo sidoo kale ay dawladu sheegtay in qorshahan ay gadaal ka riixayso Imaaraadka Carabta.