Heemaal News Network

Dowladda Turkiga Oo Maanta si Rasmi ah u Bilaabatay Howlgalkeedii Badda Somaliya

Dowladda Turkiga ayaa maanta si rasmi ah u bilaabatay howlgalkeedii badeed ee Soomaaliya, kaddib heshiiskii iskaashi ee difaaca iyo dhaqaalaha ee labada dal kala saxiixdeen 8-dii Febraayo 2024.

Ciidanka Howlgalka Badda ee Turkiga (Turkish Naval Task Group) ayaa hadda ka howlgalaysa biyaha Soomaaliya, ka dib markii maanta wasaarada difaaca Turkey ku dhawaaqday la dhaqangalinayo heshiiskaas oo 10 sano soconaya.

Howlgalkani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo ammaanka badda, laguna ilaalinayo madax-bannaanida iyo kheyraadka dalka Soomaaliya.