Dowladaha Carabta ayaa si isku mid ah u cambaareeyay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday sha;ay xerada milatariga ee Damanyo ee ku taalla caasimadda Soomaaliya, Muqdisho, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawacyo badan.
Weerarkan ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay war-saxaafadeedyo ka soo kala baxay dowladaha Kuwait, Bahrain, Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Masar.
Dowladda Kuwait ayaa sheegtay in ay si xooggan u cambaareyneyso weerarka, iyadoo mar kale ku celisay mowqifkeeda cad ee ka dhanka ah dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagaxisada.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo ilaha argagixisada iyo wax kasta oo waxyeello u geysanaya xasilloonida gobolka iyo tan caalamka.
Nin qaraxyo isku soo xiray ayaa dhex galay ka dibna isku qarxiyey Dad dhalinyaro u badan oo safaf ugu jiray in loo qoro ciidamada dowlada xerada Damaanyo dad ka badan 10 qof ayaa halkaas ku naf waayey qaar kalena wey ku dhaawacmeen.