Heemaal News Network

Duqa Muqdisho oo Booqday Askar Aadan Yabaal kusoo Dhaawacantay (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ,ayaa deeq daawooyin ah ku wareejiyay maamulka Isbitaalka ciidanka Xoogga, asigoona booqday dhaawacyada qaar ka mid ah ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca deegaanada ee lagu daweynayo Isbitaalka Xoogga.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay Maamulka Isbitaalka, waxa uuna sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay taageerida iyo garab istaaga ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in uu gacan ka geysan doonno wax ka qabashada baahiyaha ka jira Isbitaalka, si ay adeeg hufan u helaan ciidamada waxyeelada kasoo gaara dagaalka lagula jiro cadowga.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa Isbitaalka xoogga dalka ka fulinaaya nalalka ku shaqeeya cad-ceeda, taasi oo qeyb ka ah qorshaha garab istaaga iyo taageerida ciidamada iyo Isbitaalka, waxaana ka mahadceliyay maamulka Isbitaalka xoogga dalka Soomaaliya.

Ciidamadii dhawaan kusoo dhaawacmay weerarkii degmada Aadan Yabaal iyo deegaanno kale oo dagaalo ka dhaceen , ayaa yaalla isbitaalka xoogga , halkaas oo ciidamada si gaar ah loogu daaweeyo lagulana socdo xaaladooda caafimaad.