Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa ugu horeyn guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ugu hambalyeeyay xilka guddoomiyanimo isaga oo kula dardaarmay inuu xooga saaro sidii shacabka caasimadda ay u heli lahaayeen adeegyada ay xaqa u leeyihiin oo ay dowladda uga baahanyihiin Iyo horumarinta Caasimadda.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay qaabilada iyo hambalyada , waxa uuna ku amaanay shaqada uu umadda Soomaaliyeed u hayo.
Duqa Muqdisho ka dalbaday guddoomiyaha Golaha Shacabka sidii uu baarlamaanka u meel marin lahaa maqaamka caasimadda iyo bulshada gobolka Banaadir ee dhowrka milyan ay u heli lahaayeen matalaad siyaasi ah oo la mid ah Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah DFS.