Heemaal News Network

Ehelada Ninkii Xaaskiisa Gubay Oo Afka Furtay Hanjabaad-na U Diray

Ehelada eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud ayaa si cad uga soo horjeestay xukunkii ay maanta wiilkooda ku riday Maxkamada gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysnaa dilka xaaskiisa oo xaamilo ahayd, taasoo uu ku gubay gurigeeda.

Sayid Cali Hooyadiis iyo xubno kale oo ka tirsan qoyskiisa oo la hadlay warbaahinta ayaa xukunka Maxkamada ku tilmaamay mid cadaalada ka fog, iyagoo xusay ineysan jirin cadeymo muujinaya in Sayid cali uu si bareer ah u gubay xaaskiisa.

Waxay ku andacoodeen in xukunka maxkamada uu ku saleysan yahay mala awaal iyo laab lakac maadaama aysan jirin markhaatiyaal si cad ugu cadeeyey sayid Cali inuu gubay xaaskiisa waxay sheegeen iney xukunkaas ka qaadanayaan racfaan.

Go’aanka Maxkamdda oo si weyn loo sugaayay toddobaadyo ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamadda, waxaana uu sheegay in maxkamaddu ay heshay caddeymo ku filan oo ay xukunkaasi ku gaartay.

Sayid Cali ayaa horay u gubay xaaskiisa, waxaana wali qaboojiye ku jira meydkii marxuumadda, oo illaa iyo hadda aan la aasin, ka dib markii aabaheed uu diiday in la aaso ilaa ay gabadhiisa ka hesho cadaalad.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maamulka SSC Khaatumo Oo Laga Saaray Habraaca Dasyuurkii Somaliya Ee Loo Gudbiyey Baarlamaanka

Heemaaln

Nin toogasho ku Dilay Saddex Qof Oo Nolosha lagu Qabtay iyo Booliiska oo baaris bilaabay

Heemaaln

“Muusaw waad Talo Xun-tahay Ee Haday Ciyaari kuu Hadhay soo Soco..” Garaad Jaamac Oo ka Hadlay Shirka Beelwaynta Jaamac Siyaad

Heemaaln