Bilyaneerka caanka ah ee Elon Musk ahna milkiilaha barta X (Ex Twitter) , ayaa isaga tagay shaqadii uu u hayay maamulka Madaxweyne Trump, oo ahaa xubin sare oo katirsan guddi loogu tala galay in ay a shaqeeyaan dhmista kharashka ku baxa dowladda iyo shaqaalaha.
Qoraal uu soo saaray Elon Musk ayuu sheegay in waqtigii loo qorsheeyay ee ahaa in uu ahaado shaqaale dowladeed oo gaar ah uu dhamaaday, waxa uuna si weyn uga mahadceliyay Madaxweyne Trump oo fursadan shaqo ku aaminay.
“Maadaama waqtigayga loo qorsheeyay ee ah Shaqaale Dawladeed oo gaar ah uu dhammaaday, waxaan jeclaan lahaa inaan uga mahadceliyo Madaxweyne @realDonaldTrump fursadda uu ii siiyay in aan ku yareeyo kharashaadka khasaaraha,” ayuu ku qoray bartiisa X Elon Musk.
Musk wuxuu ku biiray Maamulka Trump bishii Janaayo, isagoo ballanqaaday inuu dhimayo ugu yaraan $ 1 tiriliyan miisaaniyada federaalka ee Mareykanka, in kasta oo websaydhka DOGE uu muujinayo inuu kaliya ku guuleystey dhmista qiyaastii $175bn oo kayd ah, ama $1,088.96 canshuur bixiye Mareykan ah.
Shaqo katagista Bilyineerkan saaxiibka dhaw la ahaa Madaxweyne Trump, ayaa kusoo aadeysa maalin un ka dib markii uu Elon dhaleeceeyay gundhigga sharci dejinta ee agendaha Trump. Waxa ayna warbaahinta qaar qorayaan in uu jiro khilaaf isaga iyo Trump soo kala dhax galay.