Erdogan ; “ Kuwa doonaya inay ka faa’iidaystaan xasilloonida Suuriya iyagoo kicinaya qowmiyadaha iyo kala qeybsanaanta diinta waa inay ogaadaan inaysan awoodi doonin inay gaaraan yoolalkooda…Ma oggolaan doono kala qaybinta Suuriya sida ay u malaynayaan.”
Hadalka wuxuu yimid , saacado kaddib markii dawladda Suuriya ay ka hortagtay iskuday ay Israa’iil ku doonaysay inay ku degto duulleedka Dimishiq , iyagoo ka faa’iideysanaya bulshada Druze-ka , kaddib wada-hadal bulsho oo maamulka Dimishiq ay xal ugu heleen dhammaan dulduleeladii laga soo gali karay deegaannada Druze, taa oo ugu dambeyn dhalisay ciidanka Suuriya inay la wareegaan ammaanka magaalooyinka Druze-ka.
Israa’iil ayaa kala kullantay guul-darradii u horreysay ee ka soo gaaraysa iskudaygooda khal-khalgelinta xasilloonida Suuriya .