Heemaal News Network

Erdogan Oo Gudoomay Fariin ka Timid Dhigiisa Somaliya Xassan Shiikh.(Sawiro)

Guddoomiyaha guddiga Saaxiibtinimada Baarlamanada Soomaaliya iyo Turkiga Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan ayaa ka warbixiyey kulamo uu guddigooda la qaatay madax ka tirsan dowlada Turkiga oo uu ku jiro Madaxweyne Erdogan.

Saadaq Cumar Xasan ayaa soo saaray qoraalkan hoose

𝐁𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐑𝐚𝐬𝐦𝐢 a𝐡; 𝐆𝐮𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐚𝐱𝐢𝐢𝐛-𝐭𝐢𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐈𝐲𝐨 𝐓ü𝐫𝐤𝐢𝐲𝐞.

Waxaa Sharaf ii ah aniga oo ah Gudoomiyaha Gudiga saaxiib-tinimada Soomaaliya iyo Turkiga Ee Baarlamaanka JFS, inaan casuumad shaqo ka helnay Gudiga dhigeena ah ee Baarlamaanka Turkiga.

Booqashadeena ayaa ka bilaabatay inaan la kulano Wasiirka Tamarta ee Türkiye Mr,𝐀𝐥𝐩𝐚𝐫𝐬𝐥𝐚𝐧 𝐁𝐀𝐘𝐑𝐀𝐊𝐓𝐀𝐑. wuxuu warbixin naga siiyey meesha ay mareyso baaritaanka Shidaalka Ee uu wado markabkii dhawaan soo gaaray xeebaha Soomooliya, wuxuuna noo balan qaadey inuu warbixin lagu farxo oo kama danbeys ah nasiin doono 60 cisho gudaheed.

Sidoo kale waxaan la kulanay, Wasiir ku xigeenk Arimaha Dibada Ee Türkiye Mr. 𝐁𝐮𝐫𝐡𝐚𝐧𝐞𝐭𝐭𝐢𝐧 𝐃𝐮𝐫𝐚𝐧. Waxaan ka dhageysanay warbixin ku saabsan wadahadalada uu Turkiga gar-wadeenka ka ahaa Ee Soomaliya iyo Itoobiya. Iyo in sanadka soo socda bilowgiisa kulan kale dhici doono, Aniga iyo xubnahan Gudigeena, waxaan u sheegnay in Shacabka iyo Dowlada Soomaaliyeed ay ka xunyihiin faragalinta iyo boobka ay isku dayeyso Itoobya, waxaana ka codsanay Turkiga ineey gacan naga siiyaan difaaca dalkeena iyo gobonimadeena .

Waxaan kulan balaaran la qqadanay Gudoomiyaha Baarlamaanka Türkiye, Mr, 𝐍𝐮𝐦𝐚𝐧 𝐊𝐮𝐫𝐭𝐮𝐥𝐦𝐮ş. Waxaan warbixin ka siinay guud ahaan Dalka Soomaliya, iyo in maanta la soo gaaray wakhtigii Soomaliya laga hirgalin lahaa Doorasho Qof iyo Cod ah, waxaan ka codsanay in ay naga caawiyaan Dimuquraadiyada ka soo iftiimeysa Soomaliya oo ay gacan naga siiyaan hirgalinteeda, waxaan gaar u tilmaanay, ; Aqoonta iyo Waayo-aaragnimada ay u leeyihiin doorashooyinak, Iyo Agab-yada casriga ah ee lagu qabto doorashooyinka.

Ugu danbeyn waxaan la kulanay Madaxweynaha Türkiye, Mudane 𝐑𝐞𝐜𝐞𝐩 𝐓𝐚𝐲𝐲𝐢𝐩 𝐄𝐫𝐝𝐨ğ𝐚, waxaan gudoon siinay salaan aan ugu wadnay Madaxweynaha JFS,𝐃𝐫. 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝, sidookale waxaan gudoon siinay Hadiyad aan wakiil uga nahay Umadda Soomaaliyeed ee aan matalno.

𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝𝐬𝐚𝐧𝐢𝐝𝐢𝐢𝐧
𝐆𝐮𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐚𝐱𝐢𝐢𝐛-𝐭𝐢𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚 𝐈𝐲𝐨 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚.