Heemaal News Network

Erdogan Oo Shaaciyay Martiqaad Rasmi ah Oo Uu U fidiyay Madaxweynaha Suuriya,

Madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan ayaa markii u horreysay sheegay inuu martiqaad rasmi ah u fidin doono Madaxweynaha Suuriya, Bashar al-Assad , si dib loogu hagaajiyo xiriirka labada dal.

Erdogan, wuxuu muddo 10 sanno ah si xooggan u maalgeliyay mucaaraadka Suuriya , si ay xukunka uga tuuraan Bashar al-Assad, laakin hadda wuxuu aqbalay Erdogan inaysan taas shaqeynayna, si la mid ah Mareykanka oo waqti hore aqbalay inaysan awoodin xukunka in laga tuuro Bashar al-Assad, wuxuuna qaatay siyaasad go’doomin ah, balse Turkiga sidaa ma sameyn karo sababo la xiriir xadka labada dal iyo khatarta amni ee uga imaan karta Suuriya , taa oo hadda ku qasbaysa inuu xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi la yeesho Suuriya , isagoo aqoonsan Bashar al-Assad.

Waddamada Carabta , ayaa iyagana ka qaaday xannibaada Bashar al-Assad,iyagoo dib usoo celiyay kursigii Jaamacadda Carabta. Sidoo kale , waa inan ku sheega Bashar al-Assad, waa hoggaamiyaha kaliya ee ka badbaaday ololihii guga Carabta ee ay ka faa’iideysteen reer galbeedka iyo dhaqdhaqaaqii isbeddelka uu doonayay Mareykanka oo sidoo kale taageerraya siyaasadda bariga dhexe ee Israa’iil , xukunka uga tuuray hoggaamiyayaashii Carabta oo mayalka adkaa. Waxyaabaha hadda ka dhacaya Suuriya ayaa yimid , dhimashada malaayiin Suuriyaan, burbur gobollo iyo barakac aan xad lahayn oo ka dhashay iskudaygii xukunka looga tuurayay Assad ee aan lagu guuleysan.