Ergadaas oo ka socotay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa ujeeddadoodu ahayd ka qaybgalka Shirweynaha 113-aad ee Hay’adda Shaqaalaha Caalamka (ILO).
Ergada oo ka koobnayd 23 xubnood, ayaa la xaqiijiyay in kaliya 10 xubnood ay kasoo muuqdeen furitaanka shirarka rasmiga ah, halka 13-ka kale ay si lama filaan ah uga maqnaadeen goobta shirka, isla lagu war helay ama xogtooda la helay in ay Tahriibeen.
Warar xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in xubnahan ay si qarsoodi ah ugu gudbeen dalal kale oo ka tirsan qaaradda Yurub, iyaga oo aan dib ugu laaban dalkoodii.