Heemaal News Network

Eriteriya iyo Itoobiya Oo kala Goostay Xidhiidhka Isgaadhsiinta.

Eriteriya iyo Itoobiya ayaa kala goostay xidhiidhka Isgaadhsiinta, iyada oo hadda aan gudaha Asmara laga wici karin Addis Ababa.

Xiisadda labada dal ayaa muddooyinkan isa-soo-taraysay; iyada oo Eriteriya dhawaan iska joojisey diyaaradda Itoobiya, sida oo kale waxa aan jirin xidhiidh diblumaasiyadeed oo u dhexeeya labada dhibac.

2018-kii ayey ahayd markii dib loo soo celiyey xidhiidhkii Asmaea iyo Addis Ababa, haseyeeshee isbeddellada Geeska iyo raadinta Marin-badeed ee Itoobiya ayaa loo sababaynayaa dib u soo noqoshada xiisadda labada dhinac.