Heemaal News Network

EU Oo Ergay Cusub u Magacowday Hawlgalka Tayeynta Midowga Yurub Ee Somaliya

Midowga Yurub ayaa madax cusub oo Ergo ah u magacaabay Hawlgalka Kobcinta Awoodda Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia).

Kęstutis Lančinskas, oo u dhashay dalka Lithuania, ayaa loo magacaabay inuu noqdo Madaxa Ergada cusub ee Soomaaliya laga bilaabo 1 May 2024 ilaa 31 December 2024.

Wuxuu beddeli doonaa Kauko Aaltomaa.

Kęstutis Lančinskas hadda waa la-taliyaha arrimaha amniga qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Lithuania. Kahor inta uusan xilkaan qaban, wuxuu ahaa Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, wuxuuna mas’uul ka ahaa maaraynta xasaradaha iyo ilaalinta xuduudaha gobolka.

Howlgalka EUCAP ee Somalia waxaa la bilaabay July 2012. Hawlgalku wuxuu kor u qaadaa awoodda ilaalinta sharciga madaniga ah ee dalka iyadoo la taageerayo dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada, wuxuuna ka taageerayaa horumarinta sharciga, xoojinta cadaaladda dembiyada xuduudaha badda iyo bixinta talooyin ku saabsan siyaasadda wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya iyo Booliska Soomaaliyeed.

EUCAP Somalia waxay sidoo kale taageertaa horumarinta hawlaha ilaalada xeebaha iyo booliiska badda ee gudaha iyo hareeraha dekedaha waaweyn ee Soomaaliya, waxayna fulisaa kaalmo dheeraad ah oo lagu horumarinayo ciidamada booliiska.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Maanta Gurigiisa kusoo Dhoweeyay Wafti Puntland ka Socday.

Heemaal

Cali Max’ed Geeddi Oo Jawaab Adag ka Bixiyay Hadalkii Farmaajo iyo Shiikh Shariif

Heemaaln

Shidaalkii Ugu Horeeyey Oo Sanadkan Laga Soo Saarayo Soomaaliya

Heemaal