Xeerarka doorashada ee uu maanta Madaxwaynahu dhaqan galkooda qalinka ku duugay waa nafis siyaasadeed iyo talaabo hore loo qaaday oo muhiim u ah qabsoomida doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Waxa aan talaabadan uga mahad naqayaa golayaasha qaranka oo u dhabar adaygay ka midho dhalinta xeerarkan ay bulshadu sugaysay.
Sidoo kale waxa aan ugu baaqayaa shacabka reer Somaliland inay u diyaar garoobaan doorasho ay ugu hiilinayaan isbedelka lama huraanka ah ee maanta dalkeenu u baahan yahay.
Balanteenu waa in farteena aan ku keeno isbedelka aan ku taamayno ee uu hormuudka ka yahay xisbiga rajada umadeena ee Wadani.
Axmed Muumin Seed