Heemaal News Network

Faah-faahinta Arrimo Xasaasi ah Oo ka Wada hadleen Trump & Putin.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Ruushka iyo Ukraine ay ogolaadeen dib u billaabida Wada hadallada lagu xallinayo dagaalka socday afarta sano.

Hadalka Trump ayaa yimid kadib markii in ka badan laba saacadood uu khadka Taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Wuxuu ku sheegay Trump wadahadalka isaga & Putin inuu si wanaagsan u dhacay, isagoo intaa ku daray Ruushka iyo Ukraine inay markiiba billaabi doonaan wada xaajoodyo ku saabsan xabbad joojin.

“Ruushku waxa uu rabaa inuu Mareykanka la sameeyo ganacsi ballaaran marka ay dhamaato masiibadani dhiig-baxa ah, annagana diyaar ayaan u nahay, waxaa jirta fursad aad u weyn oo Ruushku ku abuurayo shaqooyin iyo hanti aad u badan. Sidoo kale, Ukraine waxay heli doontaa faa’iido weyn oo ganacsiga, habka dib u dhiska Dalkeeda Wada xaajoodyada u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa si degdeg ah u bilaaban doona.” ayuu yiri Trump.

Dhinaca kale, Madaxweyne Putin ayaa sheegay in dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka ay u muuqdaan kuwo ku socda waddadii saxda ahayd, islamarkaana dowladda Ruushka ay diyaar u tahay in la dhammeeyo colaada.