Dawladda Sweden ayaa wajahaysa fadeexad, kaddib markii si been abuur ah loo sameeyay 7 baasaboor ah oo Swedish ah
Arrintan ayaa waxaa ka dambeeyay mid ka mid ah shaqaale hore oo booliis ah oo ka howlgalayay xarunta bixisa baasaboorada ee ku taal magaalada Norrköping ee bariga Sweden, iyadoo la adeegsanayo nidaamka saxda ah ee baasaboorada ayaa la sheegay inuu qofkan uu u daabacay toddobada baasaboor qaar ka mid ah qaraabadeeda oo Suuriyaan ah.
Arrintan waxaa la oggaaday markii nin Suuriyaan ah uu uga soo dhoofay magaalada Dubai baasaboorka Swedish-ka ah ee been abuur ah, balse leh dhammaan nidaamyada xaqiijinta baasaboorka, isagoo ku tagay magaalada Düsseldorf ee dalka Jarmalka, halkaasoo uu magangelyo weydiistay,
Lama xaqiijin in 6 baasaboor ee kale in wali la adeegsaday ama lagu yimid gudaha Sweden, iyadoo hadda dawladda Sweden ay qaadayso tallaabooyin deg deg ah oo lagu adkeynayo bixinta baasaboorka.
Qofka ku kacay falkan oo ka tirsanaa waaxda bixisa baasaboorada ee Booliiska Sweden ayaa la sheegay inuu qirtay dambiyada uu galay labo qof oo kale ayaa sidoo kale falkan loo xiray.
Sweden si ka duwan Soomaaliya oo laanta socdaanka iyo jinsiyada ay bixiso baasaboorka, waxaa bixiya waax ka tirsan Booliiska oo shaqadeeda ay tahay daabacaada oo ay ka howlgallaan ajaaniib badan oo ay ku jiraan Soomaali, hadda ficilkan uu qof ka tirsan waaxdan baasabooro ugu daabacay xubno qoyskiisa ah ayaa ku riixeysa dawladda Sweden inay yarayso dadka aan asalka Swedishka ahayn ee ka howlgala waaxda bixinta baasaboorada.
Horey , waaxda dambi baarista Sweden ayaa shaqada laga saaray shaqaale badan oo aan asal Swedish ahayn oo u badnaa Iiraani, kuwaasoo la tuhmay inay la shaqeynayeen sirdoonka Ruushka oo ay bixin jireen xogta.