Heemaal News Network

Fadeexad iyo Ceeb ka dhax Taagan Xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse Barre!

Ilo lagu kalsoonaan karo oo katirsan xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, ayaa noo xaqiijiyay in ceeb iyo fadeexad weyn ay halkaasi ka taagan tahay, kaddib markii mid kamid ah masuuliyiinta sar sare ee xafiiskaasi uu ku kacay fal anshax-xumo ah.

Masuul sare oo katirsan xafiiska Ra’isul Wasaaraha, qaraabo hoosana yihiin Xamse Cabdi Barre, ayaa la sheegay in gogol dhaaf qasab ah ka dalbaday gabar xafiiskiisa ka shaqeeneysay, waxa uuna gabadha u ballanqaaday dallacsiin iyo mushaar kordhin , haddii ay gogol dhaaf la sameyso.

Sida aan xogta ku helnay gabadha , ayaa ka biyo diiday codsiga uu ula yimid ninkan masuul ah ee katirsan xafiiska Ra’isul Wasaaraha, waxa uuna markaa kaddib ninkan bilaabay in gabadha shaqada cadaadis ku saaro iskuna dayo in meesha ka eryo.

Gabadha gogol dhaafka laga dalbaday oo aruusisay xogaha ninkan iyo waxii dhaqanxumo ahaa uu kula kacay ayaa u gudbisay xoghayaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha, oo isna dacwada usii gudbiyay Ra’isul Wasaare Xamse Barre, maadaama ninka falka ku kacay ay qaraabo yihiin Ra’isul Wasaaraha.

Xamse Barre, ayaa si weyn uga carooday falkan dhaqanxumada ah uu sameeyay ninkan qaraabada la ah kana tirsan xaiiskiisa, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha dalbaday in kiiskan si hoose loo xaliyo si aysan bannaanka ugu bixin lana raaligaliyo gabadha dhibanaha.

Arrintan oo si hoose isku gaarsiiyeen shaqaalaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha , ayaa guux iyo dood hoose ka dhalisay xafiiska Ra’isul Wasaaraha, waxaana la sheegay in ninka falkan ku kacay oon magaciisa iyo xogtiisa dib idinkala wadaagi dooni in uu shaqada sii joogo, wax tallaabo ahna aan wali laga qaadin.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre, oo dhawaan ka hadlay kulan uu haweenka Soomaaliyeed la qaatay, ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono ragga xafiisyada jooga ee gabdhaha shaqo doonka ah iyo kuwa shaqaalaha gogol dhaafka ku xujeeya, lamana oga Xamse tallaabada uu ka qaadi doono ninkan xafiiskiisa katirsan lana ah qaraabada ee ku kacay falkii uu horrey uga digayay.