Heemaal News Network

Falastiin Oo ka Hadashay Go’aanka Lagu Aqoonsaday, & Israa’il Oo Hanjabtay.(Sawiro)

Ireland, Spain iyo Norway ayaa Arbacada maanta ah ku dhowaaqay inay aqoonsanayaan Dowlad Falastiin laga billaabo 28-ka May, ayaga oo sheegay inay rajeynayaan in dalalka kale ee reer galbeedka ay ku daydaan, taasi oo keentay in Israel ay u yeerato safiiradeeda.

Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo xabbad joojin laga gaaro dagaalka Israel ay kula jirto Xamas ee Gaza.

“Maanta, Ireland, Norway, iyo Spain waxay ku dhawaaqayaan inaan aqoonsannahay Dowladda Falastiin,” ayuu ra’iisul wasaaraha Irelanad Simon Harris ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dublin.

“Mid kasta oo naga mid ah hadda wuxuu qaadi doonaa tallaabo kasta oo qaran oo lagama maarmaan u ah si loo dhaqan geliyo go’aankaas.”

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin ayaa soo dhaweysay go’aannada ay qaateen dalalka Spain, Norway iyo Ireland si ay u aqoonsadaan Dawladda Falastiiniyiintu leeeyihiin.

“Tallaabadan muhiimka ah, Spain, Norway iyo Ireland waxay mar kale muujiyeen sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay xalka labada dal iyo sidii shacabka Falastiin ay u gaarsiin lahaayeen cadaaladda muddada dheer ay raadinayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Falastiin.

“Intaa waxaa dheer, aqoonsiga Spain, Norway iyo Ireland, waa mid waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo dhammaan qaanuunnada Qaramada Midoobay ee khuseeya arrimahaan, kuwaas oo si wanaagsan gacan uga geysan doona dhammaan dadaallada caalamiga ah ee ku aaddan soo afjaridda gumeysiga Israa’iil ee sharci-darrada ah iyo helitaanka nabadda iyo xasilloonida gobolka. ”

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale loogu baaqayaa in dowladaha kale ay “sida ugu dhaqsaha badan u qaataan go’aankan mabda’a ah”.

Dhinaca kale Israa’iil ayaa ku goodisay inay ciqaabi doonto dalalka Ireland Span iyo Norway, islamarkaana ay diblumaasiyiinta ugu yeeratay la-tashi deg-deg ah.

“Waxaan maanta dirayaa fariin cad: Israel ma dhayalsan doonto kuwa wax u dhimaya qarannimadeeda oo khatar gelinaya ammaankeeda,” ayuu yiri.”wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Israel Katz.

“Israa’iil aamusnaan kama gudbi doonto arrintan waxaana jiri doona cawaaqib kale oo halis ah, haddii ay Sadaxdaasi al ay garwaaqsadaan rabitaankooda ah inay aqoonsadaan dowlad falastiiniyiin ah, tallaabo la mid ah taa ayaa laga qaadi doonaa.”

Israel ayaa ku dooda in sida kaliya ee lagu heli karo qarannimo Falastiin ay tahay wadaxaajood, islamarkaana haddii nidaamkan la hareer maro ay Xamas iyo kooxaha kale ee mintidka ah siinayso dhiirigelin ay ku adeegsadaan rabshado.

Qiyaastii 144 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa horey u aqoonsaday Falastiin, waxaana ku jira inta badan dalalka koonfurta caalamka, Ruushka, Shiinaha iyo Hindiya.

Hase yeeshee tiro yar oo ah 27-ka xubnood ah ee Midowga Yurub ayaa ilaa hadda tallaabadaas qaaday. Sweden ayaa noqotay waddankii ugu horreeyey 2014. UK iyo Australia waxay muujiyeen bilihii la soo dhaafay inay dhowaan ku dayan karaan.

Falastiiniyiinta ayaa raadiya Dowlad ka jirta Daanta Galbeed ee ay Israel haysato iyo Marinka Gaza, iyadoo caasimaddooda ay tahay Bariga Qudus.

Maraykanka oo ah xulufo aad ugu dhow Israel ayaa bishii hore codka diidmada qayaxan ku diiday isku day Qaramada Midoobay ay ku doonaysay inay ku aqoonsato dowlad Falastiin, isaga oo ku dooday in xal laba dawladood ahi ku iman karo oo keliya wada xaajood toos ah oo dhexmara dhinacyada.