Heemaal News Network

Farance, Jarmalka iyo Britain Oo Wada-jir Iran Uoga Digay Weerarka Israel

Hadal ay wadajir u soo saareen hoggaamiyayaasha Faransiiska, Jarmalka iyo Britain ayey kaga dalbadeen Iran iyo isbahaysigeeda in aysan weerar qaadin oo aysan kordhin xiisadda gobolka.

Saddaxda dal ayaa sheegay in Iran iyo isbahaysigooda ay qaadayaan mas’uuliyadda tallaabooyinkooda khatargelinaya fursadda nabad iyo xasilnooni.

Dhinaca kale, waxaa kordhay cadaadiska caalamiga ee lagu doonayo xabad joojin ka hirgasha Gaza. Israel waxay aqbashay in ay ka qeybgasho wadahadalada nabadda ee khamiista dib u bilaabanaya.

Wargeyska Cumhuriyet, ee ka soo baxa Beirut ayaa in sheegay Xisbullah ay ka baxday xarumaheeda koonfurta Lubnaan, waxayna u diyaargaroweysaa in ay weerarto Israel.