Heemaal News Network

Faransiiska Oo Tarxiilay Wiil Uu Dhalay Osama Bin Laden

Wiil uu dhalay hoggaamiyihii geeriyooday ee ururka Al Qaacida Osama Bin Ladin, ayaa laga tarxiilay dalka Faransiiska uu kunoolaa sanadihii lasoo dhaafay, waxaana wiilkan dowladda Faransiiska u jeedisay eedeymo kahor inta aan la tarxiilin.

Dowladda Faransiiska ayaana ku eedeesay wiilka uu dhalay Osama Bin Laadin oo lagu magacaabo Cumar Bin Ladin in uu barihiisa bulshada ku baahiyay farriimo u muuqday inuu ku taageerrayo wax ay ku sheegeen ‘argagixisada’.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Faransiiska, Bruno Retailleau ayaa sidoo kale sheegay inuu saxiixay amar ka mamnuucaya inuusan mar dambe ku soo laaban karin dalka Faransiiska,wiilka uu dhalaya hoggaamiyihii Al Qaacida.

Carruurtii uu dhalay hoggaamiyihii ururka Al Qaacida Osama Bin Ladin , ayaa kunool meelo kala duwan oo caalamka ka kala tirsan ay ku jiraan Qaarada Yurub, lamana oga wiilkan hadda Faransiiska laga tarxiilay halka uu saldhigan doono.