La-taliyaha gaarka ee Madaxweynaha Soomaaliya mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa Madaxweynaha dalka Algeria Abdelmadjid Tebboune u geeyay fariin uu uga siday Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud.
Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo casuumaad rasmi ah ka helay Madaxda dalka Algeria ayaa markii uu dhambaalka u geeyay Madaxweynaha kadib waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.
Labada Masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay qadiyadda Gobolka iyo sidii la isaga kaashan lahaa xal u helidda arrimaha ka taagan mandiqadda Gobolka.
Lataliyaha gaarka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune waxaa ka loo ay iskula soo qaadeen xubinnimada guddiga aan jogtada aheyn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ay Soomaaliya iyo Algeria qeyb ka yihiin.