Heemaal News Network

Farmaajo Iyo Madoobe Oo Ka Cudur Daartay Ka Qayb Galka Caleemasaarka Danni

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, halkaasoo ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa.
Sida wararku sheegayaan, madaxweyne Xasan ayaa xarunta gobolka Nugaal u tagaya ka qeyb galka caleena saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Siciid Deni iyo kuxigeenkiisa.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland ayaa maanta wabaahinta u sheegay in caleema saarka oo dhaceys 25-ka bishan ay ka qeyb galayaan dad gaaraya 3 kun oo ruux oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo ayaan ka qeyb galeynin caleema saarka, kuwaasoo ka cudurdaartay kadib markii casuumaada loo diray.

Amniga guud ee magaalada Garoowe ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana durba caasimadda Puntland kusii qul qulaya wufuuda kala duwan ee la casuumay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Xasan Sheekh iyo Siciid Deni Wadahadal Miro Dhal ah Ayay Garoowe ku Yeesheen.”Wasiir Jaamac Khali

Heemaal

Somaliya : In ka badan 50 Qof Oo u Geeriyootay Cudurka Daacuunka.

Heemaaln

Midowga Yurub Oo Saanad Ciidan iyo Gaadiid Dagaal ku Wareejiyay Dowlada Somaliya

Heemaaln