Heemaal News Network

Farmaajo Oo Nsiib-daro ku Tilmaamay Talaabada Lagu Ansixiyay Wax ka Badalka Dastuurka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo war kasoo saaray Talaabadii Baarlamaanka ee Ansixinta Habraaca wax kabadalka Dastuurka.

Qoraal kasoo baxay Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu yiri:-

Nasiib darro ka weyn ma jirto in hoggaanka dowladdu ay kala dhantaalaan midnimada dadkeenna Soomaaliyeed oo marxaladdan xasaasiga ah u taagnaa difaaca dalkooda iyo gobanimadooda.

Tallaabada maanta ay qaadday Madaxtooyadu waxay fasiraad aan wanaagsanayn ka bixinaysaa qorshaha laga sugayey in ay ku wajahaan damaca ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanku in ay dhagaha ka fureysteen baaqyada Madaxdii Hore, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Xildhibaannada dalka, hoggaamiyeyaasha bulshada rayidka ah iyo waxgaradka waxay caqabad ku noqonaysaa dib u eegista dastuurka oo ay aas-aas u ahayd heshiis bulsho,

iyo is-qancin. Dalkeennu maanta ma xamili karo kala ququb hor leh iyo in koox gaar ah ay ku takrifasho awoodaha dowladda.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Ila Meerayso Danbe Dalka Ka Jiri Mayso…”Guddoomiye Cali Xaamud Jibriil

Heemaaln

Hawlgalo Caawa Laga Fuliyay Magaalada Laascaanood

Heemaaln

Ciidanka Itoobiya Oo Maanta Iskaga Baxay Dhamaan Farisimo ay ku Lahayen Magaalada Kismaayo.

Heemaal