Heemaal News Network

Farmaajo Oo Walaac ka Muujiyay Isbadalka ay Dawladu ku Sameyneyso Dastuurka Dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa walaac Ka muujiyay isbedelka ay dowlada federalka Soomaaliya la dooneyso dastuurka dalka.

Hoos Ka akhrisa warka qoraalka ee Ka soo baxay Farmaajo.

“Iyadoo aan ognahay khatarta jiritaan ee maanta ku xeeran dadka iyo dalka Soomaaliyeed, Annagoo ka duulayna sida shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed ay ugu midoobeen difaaca midnimadooda iyo madaxbannaanidooda, meelna ay isaga dhigeen arrimaha khilaafka gudaha, mucaarad iyo muxaafidna ay arrinkan ku garab taagan yihiin Madaxweynaha iyo goleyaasha dowladda.

Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay.

Marxaladdan xasaasiga ah ee aynu ku jirno ma xamili karo dalkeennu in la abuuro khilaaf siyaasadeed iyo kala qeybin bulsho, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh, gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda in ay mideeyaan cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed sidii loo difaaci lahaa midnimada, gobanimada iyo qarannimada dalkeenna”

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Somaliland Oo ku Eedaysay Somalia in Shirqool ay ku Dishay Wiilkii Muqdisho Lagu Dilay.

Heemaaln

Ilhaan Cumar Xilka Ma ku Weyn kartaa ka-hadalkii Heshiiska Badda Ee Itoobiya iyo Somaliland.?

Heemaaln

“Dhulka Itoobiya Laga kireeyey waxuu ka weyn yahay Dhulka ay Hargeysa ku fadhido…”C/Qaadir Jirde oo ka hadley Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Heemaal