Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu kaga tacsiyadeeyay geerida ku timid Janaraal Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
”Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay, Alle ha u naxariistee, Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo ku geeriyooday magaalada Nairobi” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo.
Farmaajo ayaa intaasi ku daray ” Marxuumka oo ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee xilligii dowladdii dhexe ayaa qaranka Soomaaliyeed ugu soo adeegay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen wasiirka wasaaradaha Howlaha Guud iyo Gaashaandhigga.
Madaxweyne Farmaajo , ayaana marxuum Janaraal Morgan ilaah u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.