Heemaal News Network

Farmaajo Oo War kasoo Saaray Gogosha Uu Fidiyay Madaxweyne Xasan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo dhaweeyay gogosha siyaasadeed uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taa oo la muddeeyay in ay qabsoonto 15 ka bishan Juun.

Farmaajo, ayaana sheegay in gogshan uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh si ay miro dhal u noqoto ay muhiim tahay in laga soo qeyb galiyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, oo horey xiriirka ugu jaray dowladda Federaalka uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.

”Si gogoshan ay miro dhal u noqoto, waxaan adkaynayaa baaqyada ku aaddan in si dhammaystiran ay uga soo qeyb-galaan Madaxda Dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland oo tabasho uga maqnaa Madashii Wadatashiga Qaranka” ayu yiri Farmaajo.

Farmaajo, ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga sugayo in uu ka laabto tallaabooyinka halka dhinac ee khilaafku ka taagan yahay oo dowladiisa qaaday, kuwaas oo ay ka mid yihiin laalidda dastuurka lagu doortay.