Heemaal News Network

Farmaajo & Shariif Oo Wadajir u Shaaciyey in Xassan Sheekh Uu ka Hor yimid Dedaal ay wadeen

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen laba madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayey ku sheegeen in uu “mira dhali waayey” dedaal ay ku dhexdhexaadinayeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siciid Cabdullaahi Deni.

HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA

Bismillahi,

Warsaxaafadeed,

Kaddib wada hadallo dhinaca telefoonka ah oo aanu si gooni gooni ah ula yeelannay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaanu ku guuleysannay in labada dhinac naga aqbalaan in wada hadal lagu dhammeeyo khilaafka siyaasiga ah ee jira, la isuguna yimaado gogol.

Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo waxaan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hakad galiyo galka la xiriira wax-ka baddalka dastuurka muddo laba asbuuc ah. Hase yeeshee, waxaa muuqata kaalintii odaynimo aanu isu xilqaannay in ay mira dhali wayday kaddib markii aanu dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah ka waynay, uuna mar kale ku dhaqaaqay jabinta qodobkii shardiga u ahaa in wada hadalladu ay bilowdaan.

Dalkeennu wuxuu haatan taagan yahay isgooys adag oo ay khatar ku jirto midnimadeenna dhuleed iyo madaxbannaanideena, waddada kaliya ee looga gudbi karana uu yahay in lagu wajaho wadatashi, isqancin iyo isu tanaasul. Waxaa noo muuqanaya in Madaxweynaha uu oo ka leexday wixii lagu ballamay, taasno keeni karto inuu dalka galo xalad kala qeybsanaan iyo khilaaf horleh.

Waxaan si wadajir ah ugu mahadcelinaynaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni soo dhaweynta iyo ajiibista gogosha dhexdhexaadinta, waxaana cid walba oo daneysa arrimaha siyaasadda Soomaaliya u caddeynaynaa in wixii kala fogaansho iyo kala tag ah uu masuuliyaddeeda qaadayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa ku saxiixan warsaxaafadeedkan;

1-Mudane Shariif Sheekh Axmed

2-Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

13ka Febraayo, 2024

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Labbada Gole Ee Baarlamaanka Oo Cod Aqlabiyadda Ku Ansaxiyey Wax Ka Badalka Dastuurka

Heemaal

Safaaradda Somaliya Ee Itoobiya Oo ka Hadashay Hakad ku Yimid Dal ku Galkii India.

Heemaaln

Xasan Sheekh “Anaga Oo Leh Badda Ugu weyn Afrika Suurta-gal Ma’ahan in aanan Laheyn Aqoon Badaha

Heemaaln