Heemaal News Network

Faysal Cali Waraabe Oo Cambaareeyay Mawqifka Dowlada Jabuuti Ie isfahamka Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiya xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa cambaareeyay mawqifka ay dowlada Jabuuti kaga soo horjeedsatay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiya ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X doqoniimo ku tilmaamay hadal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf kaga soo horjeestay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya.

“Waa hadalkii ugu doqoniimada badnaa ee wasiir arrimo dibadeed kasoo yeedha, dowlada Jabuuti madaxbannaanida Somaliland meel ka xun Soomaaliya ayay ka taagantahay ilaa markii Somaliland ay madaxbannaanideeda lasoo noqotay” ayuu yidhi Guddomiye Waraabe.

Wasiir Yuusuf oo waraysi kooban siiyay MMTV, ayaa sheegay in dowlada Jabuuti ay taageersantahay madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana anay aqbalayn in Somaliland ay Soomaaliya ka godo.

Wasiirka ayaa sheegay in Jabuuti ay ku dadaalayso in laysku soo dhaweeyo Soomaaliya iyo Itoobiya, oo aanu xidhiidhkoodu fiicnayn tan iyo markii Somaliland iyo Itoobiya ay gaadheen isfahamka heshiiska badda.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa bilowgii sannadkan gaadhay heshiis dhigaya in Somaliland ay Itoobiya ka kirayso 20 kilo mitir oo Badda Cas ah, oo ay Itoobiya saldhig ciidan ku yeelanayso, Itoobiyana ay Somaliland aqoonsato.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Gaadiid iyo Agab Ciidan Oo Lagu Wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka (Sawirro)

Heemaaln

Faarax Macalim:- “Haddii Uu Abiy Ahmed Lughaya Xabad ka Rido 10 Kun Oo Wiil Oo Garissa Iyo Jigjiga ka Keenayaa..”

Heemaaln

Madaxweynaha Oo Aqoonsiga ka Guddoomay Safiir Kenya usoo Magacawday Somaliya(Sawirro)

Heemaaln