Heemaal News Network

Faysal Cali Waraabe Oo Cambaareeyay Mawqifka Dowlada Jabuuti Ie isfahamka Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiya xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa cambaareeyay mawqifka ay dowlada Jabuuti kaga soo horjeedsatay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiya ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X doqoniimo ku tilmaamay hadal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf kaga soo horjeestay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya.

“Waa hadalkii ugu doqoniimada badnaa ee wasiir arrimo dibadeed kasoo yeedha, dowlada Jabuuti madaxbannaanida Somaliland meel ka xun Soomaaliya ayay ka taagantahay ilaa markii Somaliland ay madaxbannaanideeda lasoo noqotay” ayuu yidhi Guddomiye Waraabe.

Wasiir Yuusuf oo waraysi kooban siiyay MMTV, ayaa sheegay in dowlada Jabuuti ay taageersantahay madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana anay aqbalayn in Somaliland ay Soomaaliya ka godo.

Wasiirka ayaa sheegay in Jabuuti ay ku dadaalayso in laysku soo dhaweeyo Soomaaliya iyo Itoobiya, oo aanu xidhiidhkoodu fiicnayn tan iyo markii Somaliland iyo Itoobiya ay gaadheen isfahamka heshiiska badda.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa bilowgii sannadkan gaadhay heshiis dhigaya in Somaliland ay Itoobiya ka kirayso 20 kilo mitir oo Badda Cas ah, oo ay Itoobiya saldhig ciidan ku yeelanayso, Itoobiyana ay Somaliland aqoonsato.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“M/Cagjar Telefoonka waxuu iga Qaban Waayay…”Sh Abdi Hersy Oo Iska Fogeeyay Inuu Jabhad ka Aasasay DDS

Heemaaln

Somaliland Oo M/Xasan Sheekh ku Eedeysay Inuu Hoggaaminayo Dagaal ka Dhan ah Qadiyadeeda

Heemaal

Catriona Laing Oo Golaha Amaanka Ee Q/M Warbixin ka Siisay Xaalada Somalia

Heemaaln