“Ugu horeyn waxaan canbaareyneynaa weerarkii wuxuushnimada ahaa ee lagu xasuuqay dad rayid ah oo ku sugnaa Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Anagoo tacsi u dirayna qoysaskii ay ka baxeen eheladooda.
Talaabadani waxay ina tusinaysaa fashilka hogaanka HSM-ka oo ku mashquulsan sidii uu naftiisa iyo beeshiisa u tayeyn lahaa, una dumin lahaa dawladnimada Somaliland.
Waxaan mar labaad ugu baaqaynaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay dawladdan fashilantay hoos geyso ammaano. Dawladdii beenta ahayd ee Xasanna la kala diro.”