Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Türkiye Hakan Fidan, oo la hadlayey Bloomberg, ayaa sheegay in dalkiisu ku guulaystay dhamaynta xiisadii u dhexaysay Soomaaliya iyo Itoobiya.
Fidan oo Xusay xiriirka adag ee Türkiye la leedahay Midowga Afrika, ayaa carrabka ku adkeeyay in hoggaamiyeyaasha Afrika ay doonayaan inay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin Türkiye.
Markuu ka hadlayey doorka Türkiye ay ku leedahay geeddi-socodka nabadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, Fidan wuxuu tilmaamay in uusan jirin dagaal hubaysan oo ka socda gobollada kala duwan ee Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay arrin wanaagsan.
Wuxuu qiray inay weli jiraan xiisado gudaha ah oo ka taagan gudaha dalka una baahan xal deg deg ah.
Wasiirku waxa uu sheegay in ka dib doorashooyinkii ka dhacay Somaliland, xaaladdu ay u muuqato inay degtay, taasoo loo arko horumar wanaagsan.
Fidan wuxuu carrabka ku adkeeyay in Türkiye ay la shaqeyneyso dowladda Soomaaliya si loo la dagaallamo kooxaha xagjirka ah sida Al shabaab, wuxuuna rajo ka muujiyay in arrintaas la xallin doono mustaqbalka dhow.
Marka la eego heshiiska nabadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, Fidan wuxuu ku tilmaamay “guul” iyo tusaale wanaagsan oo muujinaya sida dalalka Afrika ay mas’uuliyad uga qaadanayaan xalinta mashaakilaadkooda.
Wuxuu amaanay heshiiskii Ankara Declaration ee dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna ku sifeeyay mid muhiim ah oo muujinaya awoodda dalalka Afrika ay u leeyihiin inay xalliyaan caqabadahooda iyagoo helaya taageero dibadda ah.