Heemaal News Network

Fiqi Oo Muqdisho ku soo Dhoweeyey Dhigiisa Tanzania Thabit Kombo.(Sawiro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda

Danjire Maxamuud Thabit Kombo iyo Wafdi uu higaaminayo, Wafdiga waxaa ka mid ah Danjire Saciid Shaib Mussa oo ah ku xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania. Munaasabadda soodhaweynta waxaa hogaaminayay Danjire Fiqi oo uu wehliyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Xamza Xaadow iyo mas’uuliyiin kale.

Booqashadan taariikhiga ah waxay muujinaysaa waa’ cusub oo u furmay xiriirka Soomaaliya iyo Tanzania, iyadoo labada dal ay isku diyaarinayaan inay si rasmi ah u dejiyaan heshiisyo taariikhi ah oo la doonayo in lagu hormariyo danaha wadaagga ah iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi dhow.

Heshiisyada lagu saxiixi doono magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo si istiraatiiji ah loo dejiyay si loo xoojiyo iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida:

Difaaca: Horumarinta nabadda iyo amniga xasilloonida gobolka.

Dalxiiska: Horumarinta xidhiidhka dhaqameed iyo fursadaha dhaqaale.

Caafimaadka: Dhisidda nidaamyada daryeelka caafimaadka adkeysiga.

Duulimaadka: Samaynta duulimaadyo toos ah oo isaga kala goosha Muqdisho iyo Daarasalaam si kor loogu qaado isku xidhka iyo isdhexgalka dhaqaalaha.

Iskaashiga Guud: Kordhinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee istiraatiijiga ah.

Hindisahaan ayaa ka dhashay wada-hadalladii wax-ku-oolka ahaa ee horaantii sanadkan la qabtay intii lagu guda jiray booqashadii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay Daarusalaam, halkaas oo uu wada-hadal kula yeeshay Madaxweyne Samia Suluxu Xasan.

Maaddaama Soomaaliya ay xoojineyso doorkeeda bulshada Bariga Afrika, heshiisyadani waxay hoosta ka xariiqayaa sida ay uga go’an tahay kobcinta isdhexgalka gobolka, horumarinta horumar waara, iyo kor u qaadista barwaaqada labada dhinac.
,