Hoggaamiyaha maamulka SSC KHATUMO Cabdulqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye ayaa markii ugu horraysay ka hadlay maxaabiistii ay isweydaarsadeen Puntland iyo Somaliland kadib wada hadal dhexmaray madaxda labada dhinac.
Hoggaamiye Cabduqaadir Firdhiye ayaa siweyn u soo dhoweeyey saraakiishii iyo askartii uu sii daayey maamulka Somaliland laguna wareejiyey Puntland, kuwaas oo labo sano kahor lagu qabtay dagaaladii gobolka Sool.
“Waxaan bogaadinayaa isla markaana siweyn u soo dhoweynayaa saraakiishii iyo ciidamadii xaq u dirirka ahaa ee qaybta ka ahaa ee qaybta ka ahaa halgankii aan soo galnay ee ka soo baxay gacantii cadawga Soomaali-diidka ah, waxaana bogaadinayaa cid kasta oo kaali ka qaadatay inay xorriyaddooda dib u helaan”, Ayuu yiri Firdhiye.
Dhanka kalena, hoggaamiyaha SSC KHATUMO ayaa sheegay inay diyaar u yihiin nabadgelyo iyo deris wanaag inay kula noolaadaan cidkasta oo wax kala dhexeeyaan,”Waxaan caddaynaynaa in DG SSC KHATUMO u taagan yihiin inay nabadgelyo inay kula noolaadaan deriskooda”.