Heemaal News Network

Foolkaano ka Qarxay Itoobiya iyo Barakac Bilowday

Dalka Itoobiya, gaar ahaan gobolka Canfarta waxaa ka taagan cabsi xooggan oo laga qabo inuu balaarto foolkaano halkaasi ka qarxay, waxaana dadka aagaasi degan qaarkood bilaabeen in ay ka barakacaan , si ay noloshooda u badbaadsadaan.

Masuuliyiinta gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya , ayaa ugu baaqay dadka degan goobaha buuraha ku dhaw dhaw ee laga cabsi qabo inuu saameeyo foolkaanaha ka qarxay ay isaga guuraan, waxa ayna kula taliyeen in ay tagaan goobaha nabdoon.

Saadaaliyayaasha dalka Itoobiya ayaa soo dhigay muuqaalo muujinaya qiiq ka soo baxaya buurta Dofan ee kutaalla gobolka Canfarta , taas oo laga cabsi qabo in halkaa folkaano ka yimaaddo ayna ka dhashana saameyn xooggan.

Dhulka Canfarta ee dalka Itoobiya, ayaa waxaa kuyaalla buura dhaadheer, waxaana hadda halkaasi ka taagan barakac iyo cabsi xooggan oo laga qabo in foolkaano ka qarxo ayna saameyn badan ku yeelato dadka kunool goobaha buuraha ku dhaw dhaw.