Gaadiidkan ayaa ka yimid dhinaca Itoobiya, hub nuucyo kala duwan ahna siday, waxaa xanibay rag hubeysan oo deegaanka ah.
Dhimasho iyo dhaawac ka badan shan ruux ayaa la soo warinayaa inuu dagaalkaas geystay kuwaasoo ay kujiraan xubno NISA ka tirsan
Waxaa sidoo kale lasoo wariyay in maleeshiyaadku dheceen qaar ka mid ah, hubkii saarnaa gaadiidkan, walina lama cadeyn karo halka sida saxda ah uu ugu socdey hubkan iyo cida laheyd.
Wararka ayaa sheegaya in laga adkaaday ciidabnkii NISA ee hubkaas soo gudbin rabay, taasoo keentay in ragii hubeysnaa iyo shacab fara badan ay boobaan hubkaas oo isugu jiray qoryo rasaas iyo saanad kale.