Heemaal News Network

Gabar Boqorka Dubai Dhalay Oo Shaacisay in Ninkeeda ku Furtay Instagram-ka

Gabar uu dhalay boqorka kataliya magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta , ayaa baraha bulshada ku baahisay farriin dad badan aad u hadal hayaan, kaddib markii ay shaacisay in ay furtay ninkeeda ay sannad kahor is guursadeen.

Sheikha Mahra bint Mohammed bin Rashid Al Maktoum , ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Instagram-ka ku shaacisay in ay iska furtay ninkeeda , mana shaacisay sababta keentay in ay go’aankan qaadato kuna shaaciso in iyada ay fureyso ninkeeda.

”Waxaan ku dhawaaqayaa furitaankeena, waxaan soo afjarayaa wadajirkeenna, ninkayga qaaliga ah waan ku furay, waan ku furay, waana ku furay” ayey ku tiri qoraalka gabadha boqorka ku baahisay barteeda Instagram-ka.

Gabadhan uu dhalay Boqorka Dubai ayaa sheegtay in ninkeeda ku furtay saddex dalaaq , waxa ayna baraheeda bulshada ka saartay dhammaan sawiradii ay kula jirtay ninkeeda iyo sawirro kale oo noloshooda khaas u ahaa.

Ninka qabay gabadha Boqorka ee shaacisay in ay iska furtay ayaan wali ka hadlin arrintan, sidoo kale farriintan dadka badan ka yaabisay ayaan wali waxaan ka hadlin Boqorka Dubai Mohammed bin Rashid Al Maktoum iyo qoyskiisa.