Heemaal News Network

Gabar kaalinta 1-aad u Gashay Imtixaanka Dugsiga Sare Ee Puntland

Wasaaradda Waxbarashada dowlad goboleedka Puntland, ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare, waxaana sanandkan imtixaanka u fariistay arday gaareysa 7,562 arday oo wax ka barta deegaannada kala duwan ee Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaana shaacisay in sannadkan imtixaanka ku baaseen arday gaareysa 6,950 arday, halka ay imtixaanka ku dhaceen 499-arday, waxaana imtixaanka ardayda ku dhacday u badnaa wiilal.

Sannadkan kaalinta koobaad ee imtixaanka dugsiga sare deegaannada Puntland waxaa gashay gabar lagu magacaabo Seynab Geelle Ciise, waxa ayna gabadhan kaalinta koobaad gashay wax ka baraneysay iskuulka Imaam Nawaawi ee kuyaalla magaalada Boosaaso.

Waxaa sidoo kale kaalmaha sare ee imtixaanka shahaadiga ee dugsiga deegaannada Puntland ku jira afar gabdhood kale oo iyana natiijooyin fiican keenay, waxa ayna tani muujineysaa sida gabadhaha sanadahan dambe ugu fiican yihiin dhanka waxbarashada marka loo eego wiilashada .