Heemaal News Network

Galmudug Oo Qaadeysa Talaabo Culus ka dib Hubkii la Boobay

Dawlad goboleedka Galmudug ayaa shaacisay iney si dhow ula socotay dhaqdhaqaaqa hubka laga soo tahriibiyey dhanka Itoobiya ee ku aaddan Waqooyiga Galgaduud

Wasaarada amniga Galmudug oo War saxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in Hay’adaha Amniga oo ku dabajoogay hubkaas ay isku dayeen inay gacanta ku dhigaan hubka, si looga hortago halista amni iyo xasilooni darrida uu hubkaasi abuuri karo.

“Dowladda Galmudug waxey baaritaan ku haysay cida ka danbaysay falkaas argagaxa leh, waxaana u caddaatay in dad qowlaysato ah kuna caan baxay ka ganacsiga waxyaabaha sharci darrada ah ay ka danbeeyeen, iyadoo ujeedku ahaa in loogu adeego danahada argagaxisada , la isagana horkeeno shacabka , laguna qalqal geliyo amniga iyo xasilloonada Galmudug” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka Galmudug uu u qornaa sidatan hoose.