Eedeysanaha oo ah Ganacsade leh dukaan lagu iibiyo raashinka, ayaa ka hor inta uusan u tagin Al Shabaab, waxa uu afarta qof ka dacweeyey Maxkamadda degmadda Kaxda, taasi oo u xukuntay in lacagaha uu ku lahaa raggaasi ay siiyaan, balse mid kamid ah afartii uu dacweeyey ayaa qaatay racfaan, waxaana kiiskooda loo wareejiyey Maxkamadda gobolka Banaadir.
Ganacsadaha ayaan tagin Maxkamadda gobolka Banaadir, taas beddelkeedana waxa uu u dhaqaaqay in Al Shabaab uu u dacwoodo, waxaana markii uu soo laabtay ay Hay’addaha ammaanka ka qabteen degmadda Kaxda lix iyo tobanka bishii kow iyo tobnaad ee sannadkii hore 2024.
Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya , ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday lixdii Bbishaan February.
Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta oo Talaado ah ku xukuntay Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne lix bilood oo xabsi argagixiso ah.