Ganacsato Xoolaha Ka Dhoofiya Somaliland ayaa Shahaadooyinka Ay Cashuur Ka Bixiyaan Kasoo Qaatey dawlada Somaliya, taasoo lagu tilmaamay mid dhabar-jab ku ah qaranimada Somaliland
Qaar ka mid ah Maxjarada Xoolaha ka dhoofiya Dekedda Berbera ee Somaliland ayaa shahaadada Caafimaadka ee Xoolaha Ku dhoofiyaan ka soo qaatay Dawladda Federaalka Somaliya, kana guuray shahaadii Dalka Somaliland.
Maxjarka Al-mutaxida ee loo yaqaano Iska caabinta, ayaa si toos ah Warqadda shahaadada Caafimaadka Xoolaha uga Soo qaatay Somaliya, Isla markaana Cashuur Ku Siinaya Dawladda federaalka ah sida Ku cad warqaddan oo aan helnay.
Shahaadada uu Maxjarkani ka qaatay Somaliya ayaa waxa ku qoran sidan “Berbera United Quarantine Berbera Somalia” Halka ay carabi ahaan Ugu Qoran tahay Al-mutaxida, iyo markabka magaciisa oo ah Banyas1 una rarnaa maxjarka Al-Mutaxida (Iska caabinta) kana baxay dekeda markii ay taariikhdu ahayd 31/8/2024, warqadan oo ka Soo Baxday waaxda Caafimaadka Xoolaha Ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliya, taas oo Somaliland iyo dhoofkeedii Xoolaha Ku ah dhabar jab iyo khiyaamo Qaran oo uu ku kacay Maxjarka Iska Caabinta Ee Al-mutaxida.
Si Kastaba ha haatee tallabadan uu qaaday Maxjarka Al-mutaxida (iska caabinta) , ayaa u muuqata mid Meel ka dhac ku ah Qaranimada somaliland, isla markaana meesha ka saaray nidaankii Dawlad nimo ee dalka uu Xoolaha ka dhoofiya Ee somaliland, balse lama oga in ay Dawladda Somaliland la og tahay iyo in kale.