Heemaal News Network

Ganacsato Waa-weyn Oo Maalgashi ku Samesanaysa Dalka Oo soo Gaaray Muqdishjo

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ganacsato iyo Maalgashadeyaal waweyn oo u dhashay wadanka Kuweyt kuwaas oo dalka u yimid sidii ay Maalgashiyo uga sameyn lahaayeen dalka.

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen Xildhibbaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya, ayaa Wasiirka oo halkaas ka hadlay, wuxu sheegay in ay ka dawlad ahaan ku faraxsan yihiin inay qaabilaan Maalgashadeyaal u dhashay wadanka Kuweyt oo danaynaya sidii ay Maalgashiyo waaweyn uga sameeyn lahaayeen wadanka, isaga oo carabka ku dhuftay in wadamada Soomaaliya iyo Kuweyt uu hore uga dhaxeeyey xiriir walaaltinimo oo soo jireen ah isla mar ahaantaana ay soo dhaweynayaan inay arkaan in la gaaray xiligii labada dhinac iska kaashan lahaayeen dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga.

Wasiir Jibril Abdirashid Haji Abdi, wuxu halkaas kula wadaagay warbixin guud oo ku saabsan horumarada ay ku tallaabsatay dawladda Soomaaliya oo horseeday in maanta Maalgashadeyaasha caalamku ay aad u danaynayaan Maalgashiga wadanka, iyada oo halkaas lagu soo bandhigay warbixino taabanaya fursadaha Ganacsi iyo kuwa Maalgashi ee ka jira dalka gaar ahaan qeybaha muhiimka ah ee ay Soomaaliya danaynayso Maalgashigooda sida qeybaha xoolaha, beeraha, kalluumaysiga, tamarta, iyo kaabeyaasha kale ee dhaqaalaha.

Dhinaca kale, Maalgashadeyaasha oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa Wasiir Jibril uga mahadceliyey soo dhaweynta iyo faahfaahinta uu ka siiyey fursadaha Maalgashi ee ka jira dalka, waxaana ay sheegeen inay dalka u yimaadeen siddii ay qiimeyn ugu samayn lahaayeen sidoo kale na waxa uga oggaan lahaayeen xaaladda wadanka iyo fursadaha Maalgashi ee ka jira iyaga oo carabka ku dhuftay inay dalka ku arkeen horumaro aad u waaweyn oo dhinac walba leh.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa ugu dambayn, wuxu Maalgashadeyaasha halkaas ku guddoonsiiyey buugga Hagaha Maalgashiga oo ah buug ay diyaarisay Wasaaraddu kaas oo Maalgashadeyaasha ku hagaaga fursadaha Maalgashi ee ka jira wadanka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Danjirsaha Dawlada Kenya U soo Magacawday Somaliya Oo Warqadihii laga Gudomay(Sawirro)

Heemaaln

Wasiirka Gaashaan-dhiga Oo Maraykanka kala Hadlay Arimaha Amniga Somaliya.(Sawiro)

Heemaaln

Xildhibaan Bidhaan” “Cadowgeena Koobaad Ee soo Jireenka ah waa Itoobiya”.

Heemaal