Heemaal News Network

Garsoose Kubadda Cagta ah Oo Nolosha Lagu Gubay

Patrick Ngalamulume oo ah Garsoore kubadda cagta ah ayaa nolosha lagu gubay, markii lagu weeraray xaafadda Irambo ee caasimadda Kinshasa dalka Congo.

Dilka ninkan garsooraha ayaa cadho xooggan ka dhex abuuray dalkaasi iyo caalamka jecel kubadda cagta, iyadoo arrintan argagax ku keentay dad badan.

Ninkan la dilay ayaa ka tirsan ururka EUFBUK (Bukavu Urban Football Association) kaasoo wali ka hadlin dilka loo geystay garsoorahan,iyadoo sidoo kale la sheegay in Kooxihii dilka gaystay ay goobta ka baxsadeen.