Heemaal News Network

Golaha Amaanka Oo Taageeray in la Dhiso Ciidamo Nabad Ilaalinta Somaliya.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa taageeray in la dhiso howlgal cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya , sababo la xiriira in howlgalka hadda ee ATMIS la soo gabagabeyn doono bisha December , 2024.

Howlgalkan cusub ee Midowga Afrika uu hoggaaminayo ayaa diiradda saari doona inuu dawladda Soomaaliya ka taageero xoojinta la-dagaalka AS, lana sugo amniga iyo in laga caawiyo Soomaaliya xasillinta iyo amniga.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika waxay u baahanyihiin in qaab dhismeedka iyo ciidanka cusub ee qaybta ka noqonaya howlgalka Soomaaliya loo diro Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si ay u ansixiyaan.