Heemaal News Network

Golaha Ammaanka Israa’iil Oo Fasaxay In Jawaab Adag Laga Bixiyo Weerarkii Dadka Looga Laayay Shalay.

Golaha Ammaanka Israa’iil oo muddo saddex saac ah uu shir xiriir ah u socday, ayaa lagu warramaya inay u fasaxeen Netanyahu iyo Wasiirka difaaca inay gaaraan go’aammo looga jawaabayo weerarkii shalay ka dhacay magaalada Majdal Shams ee 12 Israa’iiliyiinta ah lagu dilay.

Israa’iil waxay rabtaa inay weerarro duqeyn ballaaran ah ku qaado gudaha Lubnaan, iyadoo ku andacoonaysa aargoosi la xiriira weerarkii Majdal Shams, halka Mareykanka uu shaaciyay inuu ku taageerrayo Israa’iil inay isdifaacdo.

Warbixinnadii u horreyay ee warbaahinta Lubnaan ayaa sidoo kale soo sheegaya inay hoggaanka sare iyo saraakiisha Xisbullah billaabeen inay ka baxaan saldhigyadooda iyo xafiisyada siyaasadda ee Koonfurta iyo waqooyiga Lubnaan, iyagoo ka fogaanaya weerarro lala beegsado.