Heemaal News Network

Golaha Dhexe Ee SSC Khaatumo Oo Akhrinta 1aad ku Sameeyay Hindiso Sharciyeedyo.(Sawiro)

Golaha Dhexe ee SSC-Khaatumo ayaa maaanta Akhrinta 1-aad Ku sameeyay Hinse Sharciyeedka Maamulka Dhulka iyo Naqshadaynta iyo Hindise Sharciyeedka Biyaha.

Laascaanood, Arbaca, 31 January, 2024: Guddoomiyaha Golaha Dhexe Mudane Jaamac Yaasiin Warsame oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad, Mudane Muxyadiin Maxamed Jaamac iyo Mudane Jaamac Aadan Cismaan ayaa Shir Guddoomiyay Fadhigii 32-aad Kal-Fadhiga 1-aad ee Golaha Dhexe.

Fadhiga maanta oo Ajendihiisu ahaa Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka Dhulka iyo Naqshadaynta iyo Hindise Sharciyeedka Biyaha.

Ugu horayn, Agaasimaha Guud ee Arimaha Bulshada Mr Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Axmed (Cadceed) ayaa Golaha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Biyaha, waxa uuna tilmaamay Baahida loo qabo sharcigan iyo Ahmiyadda uu u leeyahay Bulshada.

Sidoo kale waxaa Golaha laga hor Akhriyay Hindise Sharciyeedka Maamulka Dhulka iyo Naqshadaynta waxaana soo jeediyay Xoghayaha Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dib u Dhiska Mudane, Cabdiqaadir Cabdi Warsame Digaale oo uu wehliyo Agaasimaha Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dib Dhiska Mr Maxamed Cali Faarax, Ayaa tilmaamay in Hindisaha Maamulka Dhulka iyo Naqshadaynta uu nidaaminayo dhammaan Arimaha kala duwan ee la xiriira Dhismaha Iyo Hurumarinta Magaalooyinka, uuna qaabeeynayo hawlaha farsamo ee la xiriira Dhismaha Kala duwan.

Intaa ka dib Mudanayaasha Golaha ayaa Guda galay Falanqayn iyo su’aalo kooban oo la xiriira Mabaadi’da Guud ee Hinise sharciyeed-yadan.

Gabagabadii kulanka Guddoomiyaha Golaha Dhsxe ayaa soo xiray Fadhigii maanta isagoo sheegay in sharciyadan lamarin doonno Habraaca Hindise Sharciyeed-yada Golaha Dhexe, loona gudbin doonno Guddiyada Golaha ee ay khusayso si ay usoo tafatiraan.
—DHAMAAD—

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Qatar Iyo Soomaaliya Oo Kala saxeexday Heshiis Milatari

Heemaal

Somaliland Oo soo Dhawaysay Hadalkii R/W Itoobiya Ee Uu kaga soo Horjeestay Midnimada Somaliya

Heemaal

Dowlada Oo Digniin Adag u Dirtay Maraakiibta Jarriifka Ee Xeebaha Somaliya kawada.

Heemaaln